Elmi24 Academy waa madal aqooneed , taas oo loo qaabeeyey in ay kor u qaaddo garaadka iyo xirfadda dadka Soomaaliyeed ee xiiseeya Cilmiga Beeraha iyo Xoolaha.
Hadafkeenu waa in aan siino dadka Soomaaliyeed waxbarasho dhanka beeraha iyo xoolaha ah oo tayo leh, ku qoran afkooda hooyo, si ay horumar nolosha, dhaqaala, iyo bulshaduba u gaadho. Waxaan rabnaa in beeraleydii iyo dhallinyaradu helaan aqoon cilmiyeed oo fudud oo ay ku dabaqaan beeraha, iyo xoolahaba.
Waxaan rajeynaynnaa in Elmi24 noqdo madasha ugu weyn ee laga barto cilmiga beeraha kuna baxda Af-Soomaali, taas oo u gaar aha qof kasta oo raba inuu barto beeraha iyo xoolaha. Waxaan doonaynnaa in aan ka caawinno bulshada soomaaliyeed sidii ay u horumarin lahaayeen wax soo saarka beeraha iyo xoolahaba.
Waxaan ku dhaqmeynaa qiyam muhiim ah oo hagaya shaqadeena
Waxaan ku dadaalaynnaa horumarinta joogtada
Waxaan rumaysanahay in aqoontu tahay furaha horumarka
Waxaan ka shaqaynaynaa faa'iidada bulshadayada
Waxaan aaminsanahay in iskaashi aan horumar ku gaadhi karno
Masu'uuliyiinta ka shaqaysa maamulida iyo habsami u socodka madashan
Asaasaha & CEO
Waa khabiir leh aqoon durugsan iyo khibrad sannado badan ah oo ku aaddan dhammaan waxsoosaarka beeraha.
Agaasimaha Waxbarashada.
Khabiir ku takhasusay Aqoon-dhirtu (Plant Pathologist). Wuxuu leeyahay khibrad durugsan oo ku saabsan ogaanshaha iyo daawaynta cudurrada dhirta si loo hubiyo badbaadada cuntada.
waa Khabiirka ku takhasusay xanaannada xoolaha iyo calafkooda waa xirfadle aqoon durugsan caafimaadka, iyo nafaqaynta xoolaha iyo deegaanka ku habboon oo kor u qaadaysa wax-soosaarka hilibka iyo caanaha xoolaha